
Waxaa ka dhacay magaalada Toronto, Canada xaflad aad u ballaaran, una bilicsan oo ay ku taageeraayeen dadweynaha reer Torotonto
Musharaxa Adam Mohamed Esse oo u tartamaya darajada ama jagada Madaxweyne-nimada Dawlad Goboleedka Puntland. Xafladdaas oo socotey muddo shan saacadood oo xiriir ah (6:00 pm- 11:00 pm) waxaa ka soo qayb galay odayaal, haween, dhallinyaro, Culamaa-uddiin, abwaanno, mutacallimiin, bahda warbaahinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Adam Mohamed Esse ayaa Toronto Canada ku soolaabtay fiidnimadii Jimaca 4/11/2008 kadbib markii mudo kudhow sadex bilood uu booqashu ugu tagay Yurub, Imaraadka iyo Puntland. Booqashadaas oo ku saabsanayd musharaxnimadiisa ayaa wuxuu kula soo kulmay jaaliyadaha reer Puntland ee dibada iyo gudaha wadanka kunool.
Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Adam Mohamed Esse (Gaadaale) ayaa khud dheer ujeediyay Maamulayaasha iyo Arayda Jaamacada Puntland ee Garowe Puntland State University (
PSU) March 31, 2008.

Shirka ay isugu yimaadeen gudiga fulinta Jaaliyadda Puntland ee Finland taariikhdu markay ahayd 24.3.2008, shirkaas oo lagu gorfeeyay xaalada ay dawlad goboleedka Puntland ku sugan tahay ee siyaasadeed, iyo dhaqan dhaqaale, ayaa waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran ...
Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Sheekh Adam Mohamed Esse iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa tagey magaalada Gaalkacyo halkaasoo si diiran loogu soo dhaweyey.
Musharaxa iyo waftiga uu hogaaminayo oo isugu jira Odayaal, Saraakiil, Waxgarad, Saxafiyiin, Nabadoono, Aqooyahimiin iyo Ciidamo amaanka sugaya oo aad u diyaarsan ayaa si wayn looga sogootiyay magaalada Garoowe. Dhanka kale magaalada Gaalkacyo oo aad looga sugayay musharax Adam Mohamed Esse ayaa waxgaradkoodu samaysteen gudi soodhawayn.
Musharaxa Madax waynenimada Puntland Sheekh Adam Mohamed Esse ayaa ilaa iyo intii uu Puntland yimid shirar iyo kulamo kala duwan ku qabtay meelo badan oo katirsan Punland.
Musharax Adam Mohamed Esse wuxuu kulamo ku kala qabtay magaalooyinka Boosaaso, Qardho, dagmada Dangorayo, dagmada Suna Jiif iyo caasumada Puntland ee Garowe.

GABAY: Gaadaale iyo Ciise waan garab galaynaa waxaa tiriyay Abwaan Baarleex oo utiriyay
Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale) markii uu Gaalkacyo, Mudug booqashada ku marayay.

Waxaa Degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal si diiran laagu soo dhaweeyay
Musharax Adam Mohamed Esse iyo wafdigii uu hogaaminayay.