Luuqad:

Taariikhdu markay ahayd 13-march-2008 waxaa shir balaaran lagu qabtay guriga Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale) shirkaas oo ay isugu yimaadeen nabadoonada, samadoonada, aqoonyahano, iyo dhamaan waxgaradka Beesha Abokor Ciise:
  • Midaynta beesha Abokor Ciise.
  • Midaynta hogaanka siyaasada ee beesha Abokor Ciise.
Ugu horayntii waxaa shirka lagu soo dhoweeyey oo furay Samadoon Cabdicasiis Warsame "shaywaal" oo ka warbixiyay safarkii ay u raaceen Musharax Adam Mohamed Esse gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo waxyaabihii sida aadka ula yaabay isagoo ka hadlaya waxaa hadalkiisa ku jiray waxaan la kulanay waxaanan waligay intaan ogahay meelay ka dhacday aanan maqal ogaantay waa masaafo dheer ilaa 35 ilaa 50km meeshay dadku nooga hor yimaadeen xamaasada iyo qiirada waxay ahayd mid na qaadatay, intaa waxaa dheeraa muqaabalada iyo marxabaynta nooga timid beelaha ku dhaqan g/mudug oo aad moodo inay nagaga badan yihiin qadiyada musharax Gaadaale wuxuu intaa ku daray in maanta ay lama huraan tahay midaynta siyaasada beesha abokor ciise isla markaana naf , maal iyo maskaxba la garab is taago Musharax Adam Mohamed Esse oo maanata u taagan jagada madax weyne-nimada puntland.

Intaa kadib Sheekh Adam Mohamed Esse wuxuu kulan laqaatay Gudoomiyaha degmada Buurtinle Xuseen Guuleed Xanaf (Xuseen Dheere) iyo Xoghayaha Dawlada hoose iyo in kabadan 20 Nabadoon oo kasoojeeda deegaanka degmada Buurtinle iyagoo kawada hadlay arima khuseeya Degmada iyo Baahiyeeda gaarka ah kadib Sheekh Adam Mohamed Esse wuxuu shir laqaatay Gudiga wax barashada iyo macalimiinta degmada Buurtinle.

Kadbib xoghaynta shirka daadihinaysay hadalka siiyeen Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale) oo marxabayn, walaalnimo, iyo waalidnimo ku soo dhaweeyey waxgaradkii isugu yimid shirka Abokor Ciise isagoo sheegay inay wax walba uga qiima badan tahay midnimada beesha Abokor Ciise iyo Ciise Maxamuud guud ahaan haddii si daacadnimo ku jidho laysula qaatana wax walba la qaban karo.

Kadib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey nabadoonka da’da yar Nabadoon Shaafici Xirsi Axmed "Firato" oo soo jireen ah uuna dhalay nabadoon laga wada yaqaan geyiga puntland oo dhan waxaana hadaladiisii kamid ahaa anagu haddaanu nahay beesha Axmed Khayr waxaanu Musharax Adam Mohamed Esse la garab taagan nahay taageero naf iyo maalba leh waana arin nalaka sugaayey waxaana u aragnaa musharaxa midka kaliya ee maanta inaga bixin kara waxna inoo qaban kara gaar ahaan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Waxaa isna hadalkii lagu soo dhaweeyey Nabadoon Daahir Maxamed Garaase oo uu matalayey wiilkiisa Maxamed Daahir Garaase wuxuuna soo gudbiyay inay aad iyo aad u taageersan yihiin Musharax Adam Mohamed Esse lana soo dedejiyo hawlaha farsamo ee loo baahan si loogu gudbo walaaleheena kale Muuse Ciise isagoo ku dheeraaday inay muhiim tahay maanta inaan wax qabsano kana faa’iidaysano jaaniska taariikhiga ah ee taagan isagoo sii raaciyey in maanta Soomaali oo dhan dal iyo debadba ay garab istaaganyihiin Musharax Adam Mohamed Esse inagana ay mudantahay in beeshu ay naf iyo maalba ay huraan.

Waxaa kaloo halkaa hadalo kasoo jeediyay isagoo yidhi Nabadoon Ayax Cali Halow "Anaga hadaan nahay wax garadka beesha Xasan Ugaar codkayagii horay baan u siinay hadana waan idin maqashiinayaa" wuxuuna sidoo kale taageero balaaran siiyay midnimada isagoo intaa raaciyay midaynta Abokor Ciise ay tahay aasaaska beesha ee dhan kasta waana ku liibaanaynaa haddii ay dhab naga tahay waana inaynaan dhayalsan arintaas.

"Sidaanu horeyba u taageeray ayaanu u taageersanahay musharaxa manna is bedelin balse waxaa lama huraan ah si loo helo hogaan siyaasadeed oo midaysan, waa in la sameeyo gudi u hawl gala danaha guud ee beesha" ereyadaasi waxay kamid ahaayeen hadalo uu goobta kasoo jeediyay Nabadoon Axmed Shire Cilmi (Nabadoonada reer Yoonis Maxamed Ugaar) oo si qiira leh u hadlayey.

Waxaa isna halkaa hadalo murti iyo waana leh kasoo jeediyay Nabadoon Khaliif Aw Cali Axmed nabadoonka ayaa midnimada iyo wax wada qabsiga ku tilmaamay sida shinida oo kale, halka uu walaalnimadana iyo daris wanaagana ka yiri waa sida caanaqubta, wuxuu xaasidnimada ku shabahay abeesada, intaa wuxuu raaciyay "Hadaanu nahay beesha Xasan Abokor waxaanu sugaynay mowqifkiina oo aanu isla lahayn hadday war sugan keeni waayaan arinta ku aadan taageerada Musharax Adam Mohamed Esse in aanu maanta talada kala wareegno, balse waa ilaah mahadii haddaad isku mowqif noqoteen oo aad taageerteen musharax Aadan annaguna haddaanu nahay beesha Xassan Abokor taageero buuxda ayaanu siinay Murashax Adam Mohamed Esse (Gaadaale).

Ma idinka dhabbaa maanta oo diyaar ma u tihiin Madaxweyne inaad doorataan? Waxaan idin leeyahay waxaa loo baahan yahay qofka aad hogaamiyaha ka dhiganaysaan inuu noqdo mid shuruudo badan buuxiya sida:
  • Inuu aqoon leeyahay Maadi iyo Diinba
  • Inuu sumcad ku leeyahay beesha caalamka
  • Inuusan ku jirin maamulka hadda jira
kelmadahaas waa hadalkii uu soo jeediyay Dr Shiikh Cali Cabdi Cad oo loo yaqaan (Dr WHO) oo si aad qiiro iyo xamaasad u leh u taageersan Murashax Adam Mohamed Esse.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Sareeyo Guuto Nuur Salaad oo si xoogleh ugu nuux nuuxsaday baahida loo qabo midnimada beesha, wuxuuna ku adkaystay inuu Musharax Adam Mohamed Esse yahay hogaanka beesha una qalma siyaasada inuu inaku hogaamiyo, sidaa awgeedna la doonayo in la soo fududeeyo dhanka farsamada si walaalaheen inoola qaataan Musharax Adam Mohamed Esse.

Guntii iyo gababadii waxaa hadalkii qaatay Samadoon Daahir Maxamed (Daahir Sanweylooda) ayaa ugu horeyntaba ku baaqay midnimada beesha abokor ciise isagoo raaciyay inay hawshu hada taagan tahay dhankii farsamada muwaafaqadii waa haynaa iyo wixii laga oran laha, waxaana loo baahan yahay gudigii abokor ciise iyo nabadoonadu ay hawsha soo afjaraan iyagaana masuuliyadaas iskaleh suldaankuna u gudoomiyo waana qaababkii wax loo qaybsan jiray beeluhu iyaga ayaa kusoo darsanaaya ciday ka maarmi waayaan, waxayna isu imaanayaan 14-march-2008 oo berriya haddii allae idmo sidaasaana inoo balana.

Sawiradii Taageerada Beesha Abokor Ciise ee Musharax Adam Mohamed Esse

info@adamesseforpresident.com

Samadoon Cabdicasiis Warsame "shaywaal"
Nabadoon Shaafici Xirsi Axmed "Firato"
Nabadoon Axmed Shire Cilmi
Nabadoon Khaliif Aw Cali Axmed
Dr Shiikh Cali Cabdi Cad (Dr WHO)
Sareeyo Guuto Nuur Salaad
Samadoon Daahir Maxamed (Daahir Sanweylooda)
Nabadoon Ayax Cali Halow "bidix"
© 2008 Adam Esse for Puntland President