Ujeeddo: TAAGEERO
KU: GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND
Haddaan nahay Musharaxiinta xilka madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxaannu ka xunahay, kana walaac-sanahay xaaladda ay Puntland maanta ku sugan tahay xag amni iyo xag dhaqaaleba. Waxaanaan hilmaansanayn in goboladii Puntland qaarkood gacan shisheeye galeen, kuwana hadda tahdiid lagu hayo. Waxaan naga dahsoonayn in cuqaashii, aqoonyahanadii, culimaa-u-diinkii iyo waxgaradkii reer Puntland lagu hayo dil-siyaasadeed, lagana ugaarsanayo masaajidda iyo jidedka degmooyinka gobolada Puntland. Iyadoo intaas oo dhibaato ah waddanka ka jirto waxaa ayaandoro ah in mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ku mashquulsan yihiin siday waddanka uga samayn lahaayeen doorasho dhalan-teed ah, si ay iyagu xukunka dib ugu soo laabtaan iyo inay ku ogaan dacwooyin iyo eedayn ciddi ka hortimaada qorshahooda.Taasina waxay tirtiraysaa nabadii ay ku gacan adaygeen Issimadu, odayaasha iyo waxgaradka reer Puntland tobankii sanno ee la soo dhaafay iyo hurumarkii ay sameeyeen maamuladii hore. Waxayna u hor-kacaysaa Puntland burbur, cawaaqib xumo iyo masiir-keena oo meelu ku dambayn doono aan la garanayn..
Sidaas darteed, waxaannu si buuxda u taageeraynaa bayaankiii ay soo saareen Isimmada gobolka Puntland taariikhdiisuna ahayd June 30, 2008. Waxaan Aaminsanahay in Isimmadu leeyihiin awood ugu sarraysa ee dalka, taladay gooyaanna lagu wada go’an yahay inta laga helayo Dastuur dhamaystiran oo ay ansixiyeen dadweynaha reer Puntland.
Waxaannu ka codsanaynaa Isimmada, golaha wakiilada,nabaddoonada, culimaa-u-diinka, waxgaradka iyo qofkasta oo muwaadin ah in laysu taago sidii loo bad-baadin lahaa gobolka Puntland. Dhammaanteen waxaan xog-ogaal u nahay in shacabka reer Puntland ugu soo dulqaateen xukuumadda maanta gacanta ku haysa gobolka; wax qabad la’aan, caddaalad xumo, amni la’aan iyo boob cad oo lagala baxay jeeb-kooda wax allaale wixii ay haysteen.Intaasna waxay ilaalinayeen oo ixtiraamayeen: in aan laysku dhicin, in aan nabaddu faraha ka bixin, in ummadda la gaarsiiyo doorashooyin xor ah taas oo hadda madasheedii la joogo.
Sidaas awgeed, waa inaan dhammaanteen isu taagno sidii looga samayn lahaa waddanka doorashooyin ku dhisan caddaalad, si nabad-gelyo ahna u dhacda. Marka si loo helo taas waxaa loo baahan yahay in Isimmadu soo magacaabaan guddi doorasho oo ka madax-bannaan xukuumada oo diyaariya doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxweynaha
Waxaan ku adkaynaynaa Isimmada, Nabadoonada iyo waxgaradka reer Puntland inaan marnaba lagu aaminin xukuumadda maanta ka dhisan gobolka; difaaca, amniga iyo maamulka doorashooyinka dalka.
Waxaan kula talinaynaa xukuumada dowlad goboleedka Puntland inay ka waan-towdo u hanqal-taagga doorashooyin ay siday rabaan u maamushaan. Waxaanna u sheegaynaa inay ku yimaadeen rabitaanka shacabka, kuna joogi karaan rabitaanka shacabka oo kaliya. Waxaad ogaataan inaysan ummadda reer Puntland aqbali doonin sharciyo iyo shuruudo dano gaar ah laga leeyahay. Golaha Wakiilada ee Puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan ansixin sharciyadaas lagu marin habaabinayo shacabka reer Puntland dadaalka ay ugu jiraan siday u dhisan lahaayeen dowlad ka tarjumaysa himiladooda, kuna timaada wada tashiga beelaha isir-wadaaga ah.
Ugu dambayntii waxaannu diyaar u nahay inaan kala shaqayno Isimmada, dowladda, iyo dadweynaha sidii lagu sugi lahaa amniga waddanka iyo sidii loo heli lahaa dowlad ku timaada talo loo dhan yahay, kuna dhacda jawi nabadeed. Waxaan ballan qaadaynaa inaan ka hormarino dantayada tan dadka iyo dalka.
| 1. Adam Maxamad Ciise (Gaadaale) | Toronto, Canada |
| 2. Cabdi Qani Shancad | USA |
| 3. Cabdulahi Axmed Jamac “ILKAJIIR” | USA |
| 4. Cumar Shiikh Ali “FARJAC” | USA |
| 5. Mohamed Abdinur Hersi | Toronto, Canada |
| 6. Muxyadiin Cali Yuusuf | Somalia |
| 7. Nuradin Dirie | Nairobi, Kenya |
Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Adam Mohamed Esse ayaa Toronto Canada ku soolaabtay fiidnimadii Jimaca 4/11/2008 kadbib markii mudo kudhow sadex bilood uu booqashu ugu tagay Yurub, Imaraadka iyo Puntland. Booqashadaas oo ku saabsanayd musharaxnimadiisa ayaa wuxuu kula soo kulmay jaaliyadaha reer Puntland ee dibada iyo gudaha wadanka kunool.