24.03.2008
Taageero Musharaxa Madaxtinimada
Puntland
Ku: Dhamaan Isimadda Dawlad
Goboleedka Puntland
Ku: Dhamaan shacabweynaha reer
Puntland
Shirka
ay isugu yimaadeen gudiga fulinta Jaaliyadda Puntland ee Finland taariikhdu
markay ahayd 24.3.2008, shirkaas oo
lagu gorfeeyay xaalada ay dawlad goboleedka Puntland ku sugan tahay ee
siyaasadeed, iyo dhaqan dhaqaale, ayaa waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku
qoran:
Ø In la Ilaaliyo Nabadgalyada
iyo Jiritaanka Dawlad goboleedka Puntland.
Ø In shacabka reer Puntland ay
u istaagaan siday u ilaashan lahaayeen nicmooyinka Allah ku galadaystay sida
Amaanka, Midnimada, iyo iskaashiga dhexdooda ah.
Ø Waxa kale oo gudiga Jaaliyadda
Puntland ee Finland halkan ka cadaynayaan inay taageersan yihiin Musharaxa u
taagan jagada Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland ee Aadan Maxamed Ciise ”Gaadaale.”
Ø Isla markaana ugu baaqayaan Isimadda,
Aqooyahanka, Culumaa’udiinka, Ciidamadda qalabka sida, Dhalinyarada, Haweenka
iyo dhamaan shacabwaynaha reer Puntland inay taageeraan Musharaxa u taagan jagada Madaxwaynaha dawlad
goboleedka Puntland Aadan Maxamed Ciise
”Gaadaale”.
Ø Jaaliyadda Puntland ee
Finland waxay u aragtaa musharaxa kor ku xusan in uu yahay, nin ku haboon inuu
ka samata bixiyo xaaladaha qalafsan ee horyaala dawlad goboleedka Puntland.
Ø Jaaliyaddu waxay kaloo mar
labaad tilmaamaysaa in midnimaddu tahay horumar, khilaafkuna yahay shar iyo
mushkilo.Waxayna ku boorinaysaa inay ka fogaadaan wax walba oo keenaya
tafaraaruq, burbur, iyo kala danbayn la’aan.
Wabilaahi
Towfiiq
Liiska Magacyadda
Gudiga
1. Musse
Seeraar
2. Axmed
Maxamed Adan (Calbato)
3. Maxamed
Axmed Nuur
4. C/weli
Musse Cali
5. Cumar
Xaaji Cismaan
6. Maxamed
Xasan Ibrahim
7. Maxamed
Siciid Dirir
8. Jaamac
Maxamed Faarax
9. Faysal
Maxamed Cawad
10. Adan
Sh Xasan