Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Sheekh Adam Mohamed Esse (Gaadaale) ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaasoo si diiran loogu soo dhaweyey.
Musharaxa waxa halkaasi ku soo dhoweeyeen dadweyne aad u faro badan ku waasi oo ku qaabilay meel u jirta magaalada Gaalkacyo qiyaastii 35Km kadibna u soo gelbiyay dhanka magaalada Gaalkacyo.
Xafladii Gaalkacyo uu ku qabtay Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Adam Mohamed Esse (Gaadaale) oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 400 qof oo isugna jira dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan sida Siyaasiin, Waxgarad, Isimo, Aqoonyahan, Nabadoono, Ganacsato, Culimo Awdiin, Ururada Bulshada, Haweenka iyo Abwaanada.
Musharaxa Madaxwaynenimada Puntland Adam Mohamed Esse (Gaadaale) oo jeediyay khudbo aad u dheer si toosana looga wada dhegaysanayay dhamaan magaalooyinka kala ah Gaalkacyo, Buurtinle, Galdogob, Garoowe, Qardho, Bosaso, iyadoo ay baahinayeen Idaacaha iyo Bogaga internetka.
Khudbadaas oo taabanaysay dhinacyo badan sida
- Aminga dalka iyo dadka
- Waxbarashada
- Caafimaadka
- Dib u dhiska dalka sida Wadooyinka, Airaboorada, Dekedaha
- Ladagaalanka musuq maasuga iyo Daabicida lacagaha been abuurka ah
- Hagaajinta iyo wax wada qabsiga dawlahada deriska ah
Sawiradii Gaalkacyo ee Musharax Adam Mohamed Esse iyo waftigii lasocday
info@adamesseforpresident.com