
Musharaxa Madax waynenimada Puntland Sheekh Adam Mohamed Esse ayaa kulamo kala duwan oo joogto ah la leh beelaha reer Puntland.
Musharaxa madax waynenimada Puntland Sheekh Adam Mohamed Esse oo baryahaan ku suganaa caasimada Puntland Garowe ayaa wuxuu kulamo iyo martiqaadyo ugu samaynayay xaruntiisa Garowe Isimada, Odayaasha, Culimada, Waxgaradka iyo Dhalinyarada qabiilada dagan Puntland.
Musharaxa dadkii lakulmay oodhan waxay ladhaceen siyaasadihiisa kuwajahan dawlad goboleedka Puntland. Waxay gaar ahaan ladhaceen siyaasadiisa soocelintii nabadgalyada Puntland oo baryahaan danbe ka soodaraysay iyo kor uqaadida dhaqaalaha Puntland.
Musharax Adam Mohamed Esse waxaakale oo uu xaflad balaaran oo ay ka sooqayngaleen in kabadan 500 oo qof uu ku qabtqy Jaamacada Puntland ee Garoowe (Puntland State University ).
Sawiradii kulamada Musharax Adam Mohamed Esse ee Boosaaso iyo Garoowe
info@adamesseforpresident.com