Nabadgelyada
Mudnaanta kowaad in aan siindoono nabadgelyada, waayo meelaan nabadi ka jirin wax horumar ah lagama hiigsankaro oo nabaddu waa furaha wax walba oo wax qabad u baahan. Waan la wada soconnaa nabadgelyaxumida maanta ku baahday gabi ahaan Puntland sida afduubka, burcadda badda iyo birriba, musuqmaasuqa, lacagaha beenabuurka ah, Gobolladii Puntland oo qaarkood la haysto iwm. Sidaas awgeed waxaa iga go’an oon muhiimadda kowaad saarayaa nabadgelyadii sidaan u soo celin lahaa si ay ugu baahdo carriga, nabadduna u gasho degmo walba iyo guri walba.
Dhaqaalaha / Ganacsiga (Commerce)
Dhaqaale xumidu waxay horseeddaa nabadgelyo xumo. Sidaas awgeed waxaan aad ugu hawlgelayaa sidaan dhaqaalaha Puntland wax wayn uga beddeli lahaa, dib u habaynna ugu samayn lahaa si ay u abuurmaan shaqooyin anoo tixgelin gaar ah siinaya sidaan wax uga qaban lahaa dhoofinta xoolaha nool, dekadaha, garoomada dayuuradaha oo runtii laf dhabar u ah kaabayaasha dhaqaale ee Puntland. Iskuxirka degmooyinka oo dhan iyadoo loo samayndoono waddooyin wanaagsan si uu u hormaro ganacsiga iyo isku xirka bulshada.
Ganacsiga waa in la hormariyo oo loo raadiyo suuq ka wanaagsan kan hada qiimaha jaban (bakhaska) uga qaata.
Waxbarashada (Education)
Aqoon la’aani waa iftiin la’aan. Ummad aan waxbarasho lahayn waa ummad aan jirin. Marka waxaan ballan qaadayaa in aan tayada waxbarashada sare u qaado, aanna ku dadaalo in la gaarsiiyo waxbarashada degmo walba iyo tuulo walba, lana mideeyo manaahijta illaa iyo dugsi sare. Jaamacadaha hadda dalka ka jirana dib u habayn lagu sameeyo aanna ku dadaalo in aan ku xiro jaamacadaha dibadda si loo hormariyo, aqooonsi caalamina u helaan. si ay uga soo baxaan dad tayadooda waxbarasho ay aad u heer sarrayso, dabadeedna hanta horumarka dalkooda.
Caddaalada (sida Maxkamadaha)
Waxaa iga go’an in aan soo celiyo caddaaladda iyo sinnaanta ummaddeenna, ayna jirin cid ka sarraysa sharciga, maxkamaduhuna ay ka madaxbannaanaadaan xukuumadda. Eex iyo nin jeclaysina ay ka baxdo meeshu si ay u soo noqoto sharaftii, karaamadii iyo kalgacalykii ka dhexeeyey ummaddeenna. Qof walbana lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo waxqabadkiisa markay noqoto shaqo siin iwm.
Caafimaadka (Health)
Daryeelka caafimaadka ummaddaydu muhiimad gaar ah bay ii leedahay, waxaanna ku dadaalayaa in lagaarsiiyo lagana furo gooboha caafimaadka degmo walba iyo tuulo walba anoo la kaashanaya khibradna u leh hayadaha dawliga ah ee caafimaadka ee hoos yimaada sida Qaramada Midoobay, waayo waxaan hubaaa in ay si dhakhso leh ay uga hawlgelidoonaan waxna inala qabandoonaan markay arkaan in ay nabadgelyadii ku soo noqotay Puntald.
Waxka qabadka isbataaladii hore ee degmooyinka iyo tuuloyinka oo loo furo goobo caafimaad iyadoo loo kaashanaayo hayadaha caalamiga, sidoo kale in la kordhiyo shaqaalaha sida takhaatiirta iyo kalkaaliyoyaasha caafimaadka. Aanu martiqaad iyo soodhawayn u samayndoono takhaartiirta iyo kalkaaliyayaasha reer Puntland ee dibadaha si ay dadkooda u caawiyaan waliba anagoo siindoona mushahar uqalma khibradooda.
Siyaasada Gudaha iyo Dibadda
Puntland waxay ka mid tahay ayna buddhig u tahay Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, waana la shaqayndoonaa aniga musuuliyadaadu koowaad ay tahey gobolkaan Puntland oo ah gobal dowlada federalka ah oo taagersan dismaha dowlad federalka ah waxaanse ayidsannahay dawladda dhexe, wixii waxqabad iyo iskaashi na dhexmarna waynu xoojinaynaa. Deriswanaag iyo iskaashi in uu na dhexmaro dawladaha iyo maamul goboleedyada aynu jaarka nahay ayaan ku dadaalayaa. Dawladaha Gacanka Carbeedna khaasatan xiriir wanaasan in aan wada yeelanno baan ku dadaalayaa maadaama uu innaga dhexeeyo ganacsi qoto dheer oo aad u fac weyn, lana kaashanno siday noola hormarin lahaayeen tayada xoolaheenna si ay sayladaha qiimo wanaagsan oo u qalma aynu ugu heli lahayn xoolaheenna oo runtii ah laf dhabarka dhaqaale ee dalkeenna.
Waxaa iga go’an dib u soo celinta dhulka ka maqan Puntland siiba gobolka Sool ee ay dhowaan si gardarro qaawan ah ay maamulka Soomaaliland gacan ku hayntiisa ula wareegeen. Waxaanna ugu baaqayaa in ay sida ugu dhakhsaha leh dib ugu laabtaan meelihii ay ka soo duuleen oo ay ilaaliyaan deris wanaagga inta ayan tekin iska horimaad dambe oo dhalinkara khasaare fara badan, yeeshana cawaaqib xumo oo dhexmara ummaddaan walaalaha ah oo marna aan lakala gayn.
Waxaa kaloo tixgelin gaar ah mudan oon siinayaa sidii aan uga shaqayn lahaa ummadda ku wada nool Jubbooyinka, khaasatan magaalada Kismaayo oo ay ragaadisay colaad sokeeye in ay ku wada noolaadaan is faham iyo isqadarin, lana joojiyo barakaca, dhulballaarsiga iyo ku xadgudubka lagula kacaayo dadka maataha ah ee deggan Jubbooyinka.