
Waxaan in kabadan 20 sano kashaqaynayay ururada Soomaalida iyo kuwo kaleba, waxaana ahaa Iimaam, Lataliye, Garsoore, Nabadoon, Heshiisiye, Qaali, Macalin iyo Hogaamiye. Waxaan si aad ah ugu shaqynayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ururadooda dalka Canada oo dhan. Waxaan ahay aasaasaha iyo madaxa ururada isbahaysiga Muslimiinta (Coalition Muslim Organizations) oo ah ururo ay hoosyimaadaan in kabadan 35 masjid iyo ururo Muslimiin ah. Waxaan ahay hogaamiyaha ururka caawinta Soomaalida (Somali Relief Network) oo sanadkii 2004 caawinaad geeyay dadkii Soomaalida ahaa oo bad gariirku uu qabsaday. Waxaan xubin lataliye ka ahay ciidanka Royal Canadian Mounted Police (RCMP). Waxaan kaloo xubin ka ahay ururka Iimaamada Canada waxaana aad ulashaqeeyaa jaaliyaanin farabadan sida jaaliyada Pakistanka, Hindida, Carabta, Guyaneseka, Africanka, Turkishka iyo jaliyado kale oo badan. Waxaan kuguulaystay bilad sharfyo badan sida "The Queen Golden Jubilee Medal" oo ah bilad ay Boqoradu (oo Canada masuul ka ah) ay siiso dadka Canadianka ah oo jaaliyadaha iyo dawlada xiriirkooda kashaqeeya.
Adam Mohamed Esse wuxuu dugsiga hoose uga soobaxay Hargaysa, Somalia dugsiga dhexana Mogadishu, Somalia. 1982 wuxuu ka qalin jabiyay dugsiga sare ee Polytechnic oo Mogdishu kuyaal kadib markuu helay garayd ah 85% waxaa la siiyay boorso ah inuu Jaamacada Polytechnic galo lagana daayay aadista shaqada qaranka. 1984 ayuu Jaamacada Polytechnic kaqalin jabiyay isagoo ku takhasusay Civil Engineering.
1984 wuxuu helay booro jaamacadeed oo ah jaamacada Umm Ul-Qura ee Makkah Al-Mukarramah, Saudi Arabia. Labo sano kadib 1986 kii ayuu ka qalin jabiyay qaybtii machadka luuqadda Carabiga ee jaamacada Umm Ul-Qura oo uu noqday ardaygii koowaad tartan waxbarasho iyo imtaxaan oo ay ka qayb galeen arday ka kala timid 23 dal oo aduun wenyaha ah. Isla sanadkaa ayuu bilaabay jaamacada qayteeda sharciga.
1988 asagoo waxbarashadii Jaamacada ay bartamaha umarayso ayaa wuxuu martiqaad ah in daruus (lectures) ka bixiyo iyo fiisp ka helay dalka Canada. Wuxuuna markaas wareejistay waxbarashadiisii wuxuuna ku dhamaystirtay jaamacada American Open University oo kutaal Virginua, USA.
1990-1991 wuxuu qaatay Accounting Diploma Program oo uu kaqaatay Pick Forward Centre at Toronto, Canada.
1991-1992 wuxuu Jaamcada Lakehead University oo Thunder Bay, Canada kutaal kaqaatay hal sano oo takhasus Civil Engineering ah.
1998 wuxuu bilaamay waxbarashada Masters Degree kana bilaabay Jaamacada American Open University oo kutaal Virginia, USA. Isla wakhtigaasna wuxuu macalin ka ahaa College hoosyimaada Jaamacada American Open University oo uu labo sano dhigayay.