Luuqad:

Saturday, April 26, 2008

Sabtidii xalay ahayd waxaa ka dhacay magaalada Toronto, Kanada (Canada) xaflad aad u ballaaran, una bilicsan oo ay ku taageeraayeen dadweynaha reer Toronto Murashax Aadam Maxamad Ciise oo u tartamaya darajada ama jagada Madaxweyne-nimada Dawlad Goboleedka Puntland. Xafladdaas oo socotey muddo shan saacadood oo xiriir ah (6:00 pm- 11:00 pm) waxaa ka soo qayb galay odayaal, haween, dhallinyaro, Culamaa-uddiin, abwaanno, mutacallimiin, bahda warbaahinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxay dadkii xafladdaas ka soo qayba galay si aan kala har lahayn isugu jiibinaayeen in ay ka go’an tahay in taageero af iyo addin ahba ay siiyaan Murashax Aadam Maxamed Ciise, ayna sharaf gaar ah u tahay dadweynaha reer Toronto iyo Kanadaba in nin ayaga ka mid ahi uu isu soo taagay jagada madax tinnimada Puntland. Waxaana ka mid ahaa ikhyaartii shirkaas ka soo jeedisey hadallada taageerada iyo dhiirri gelinta isugu jirey:

  1. Islan Cismaan Warsame Nuur, kana mid ah odayaal dhaqameedka aadka loo qaddariyo (Beesha Nugaaleed)
  2. Oday Maxamad Jibriil Caateeye, waa oday, abwaan iyo aqoon-yahanba (Beesha Sool)
  3. Oday Bood (Beesha Sanaag)
  4. Maxamad Diiriye Warsame Bulxan (Mudug Sare)
  5. Kornel Cali Yusuf (Beesha Gobolka Bari)
  6. Oday Cali-Mahdi Maxamad (Beesha Sool)
  7. Siciid Qoorsheel, wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Cayaaraha iyo Isboortiga ee Dawlad Goboleedka Puntland
  8. Oday Naasir Cabdi Baalle, oo ka mid ah odayaasha sida weyn looga qaddariyo jaaliyaddaan kana tirsan (Beesha Reer Hobyo)
  9. Oday Cabdul-qaadir Ekis (X) oo ka mid ah odayaasha magaaladan, kana soo jeeda (Beesha Reer Hobyo)
  10. Marwo, Yusur Jaamac kana mid ahayd dhallin yaradii Leegada oo halgamey xorriyaddii Soomaaliya
Waxaa kale oo xafladdaas laguu soo bandhigay cajalado muuqaal ah oo ka warramaayey sidii cajaaibka lahayd ee Aadam Maxamad loogu soo dhoweeyey Gobollada dalka Puntland oo dhan, markii safarka ku tegey muddo yar ka hor. Waxaa aad iyo aad loola yaabay waxyaabihii lagu soo bandhigay cajaladdii lagu daawaday shirkaas oo isugu jirey Buraanburro, Gabayo iyo Geeraarro kala duwan oo lagu muujinaayey in Musharax Aadam Maxamad Ciise uu yahay ninka ugu habboon maanta hoggaaminta dalkeenna hooyo ee Puntland. Marka la isku soo duuduubo xafladdaasi waxay ahayd mid aad qiiro ugu beertay dadkii ka qayb galay, waxayna ahay mid sifiican loo soo agaasimey.

Ugu dambayntii waxaan akhrista-yaasha boggaan (website) ugu bishaaraynaynaa in dhowaan aan soo gelin doonno sawirradii xafladdaas iyo qaybo ka mid ah hadalladii laga tiriba.

Waxaa soo diyaariyey
Mahmoud Khalif Ahmed

info@adamesseforpresident.com

© 2008 Adam Esse for Puntland President